| | 1 views

Mid kamid ah dalalka Yurub oo laga soo tarxiilay Soomaalidii ugu badneyd oo isku xiran

03Barmuudo News:- Wararka naga soo gaaraya dhanka garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ilaa Lix muwaadiniin soomaali ah laga soo tarxiilay Dalka Norwey.

Lixdaasi Ruux ayaa waxaa la sheegayaa in dib loogu celshay diyaaradii kasoo dajisay Garoonka Aadan Cadde.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Gen.Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegay in Lixdaasi ruux Tarxiilkooda lagu soo wargaliyay balse ay arrintaasi u arkaan mid gardaro ku aheyd Muwaadiniintaasi.

Waxa uu sheegay in Tiradaani ay tahay tii ugu badneyd oo ka imaada Dalalka yurub islamarkaana hal mar laga soo dajiyo Garoonka Aadan cadde.

Taliyaha oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa waxa uu sheegay inaysan Ogolaan doonin in muwaadiniin si sharci daro lagu soo qabto laga soo dajiyo Garoonka.

Ma aha markii ugu horeysay oo Soomaali tarxiil ah laga soo dajiyo garoonka Aadan Cadde balse waxa ay kuwaani noqonayaan kuwii ugu badnaa oo mar qura laga soo wada dajiyay garoonka.

C/weli Xasan Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4963

Posted by on Sep 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented