| | 1 views

Muungaab oo Shaaciyay in ay dhamaatay Sheekadii aheed in Guri qof leeyahay Xoog lagu heesto

???????????????????????????????Barmuudo News:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa ku faanay in maamulkiisa uu wax badan ka qabtay arimaha ku aadan kala haysashada guryaha Magaalada ku yaalo.

Sanadihii dambe Muqdisho waxaa ka jiray in awood la isaga haysto guryaha oo dadka rasmi ahaan guryaha leh ay dalka dibadiisa ku maqnaayeen sababo amni awgeedna ay u imaan waayeen, balse markii Muqdisho laga dareemay amni ayeey dadka dalka dib ugu soo noqday.

Muungaab ayaa sheegaayo in 7-dii Bilood ee maamulkiisa uu xilka haayay ay ku dadaaleen sidii loo maareyn lahaa guryaha xooga lagu haystay, isaga oo sheegay in hada uu dhamaaday sheekadii ku saabsaneyd guri xoog lagu haystay oo Magaalada gudaheeda ku yaalo.

Laakiin Muungaab wuxu sheegay in hada la isku haysto guryaha oo lagu muransan yahay kaliya anigaa leh, taasi go’aankeeda ay leedahay maxkamad cadaalad ah oo dadka is haysta kala saareysa.

Ifafaalo nabadeed ayaa ka muuqata Magaalada Muqdisho, balse waxaa jira weli cabsi la xiriirta dadka guryaha iska leh oo aan u dacwoon karin guryahooda sababo amnigooda ku saabsan.

C/weli Xasan Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4971

Posted by on Sep 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented