| | 1 views

Soomaalida Mareykanka oo Kulan Ka Yeeshay Dhalinyarada Ku Biireysa Kooxda Daacish

daacBarmuudo News:- Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa kulan ay kaga hadlayeen ku biirtaanka kooxda Daacish waxay ku yeesheen magaaladaasi.

Inka badan 60 ruux ayaa kulankaasi ku yeeshay magaalada Minneapolis, waxaana kala qeyb galay kulanka masuuliyiin ka socotay dowlada Mareykanka, iyadoo looga arinsanayay qaabka dhalinyarada looga joojin karo ku biiritaanka kooxda Daacish.

Cali Xeyle oo kamid ah dadkii kulanka ka qeyb galay ayaa soo jeediyay in dowlada ay bulshada kala shaqeyso sidii dhalinyarada looga dhaadhicin lahaa fikirka ku biiritaanka kooxdaasi.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay Cali Xayle, in isbedel uu imaan doono, isagoo sheegay in dhankooda ay muujin doonaan dadaal ku aadan sidii dhalinyarada loo joojin lahaa.

Dhalinyaro badan oo ku noolaa gobolka Minnesota oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa ka tagay dalka Mareykanka kuwaasi oo ku biiray kooxda Daacish ee ka dhisan dalka Syria.

Mr Xeyle iyo Soomaalidi kale ee madasha ka hadlay ayaa sheegay in ka hortaga dhalinyarada ka tagaya magaalada Minneapolis ee ku biiraya kooxaha ka dhisan dalalka Soomaaliya iyo Syria ay fursad u tahay Soomaalida Minneapolis.

Amano Dube, agaasimaha xarunta bulshada ee Minneapolis ayaa sheegay in dhalinyarada ay wanaagsan tahay ku mashquuliada dhanka waxbarashada iyo iskuulada ku yaala magaaladaasi.

C/weli Xasan Tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4955

Posted by on Sep 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented