| | 9 views

War Culus:- Ciidamada Nabad Sugida Qaranka oo Maanta Magaalada Muqdisho kawada howlgal hub ka dhigis ah

baris-howlgalBarmuudo News:- Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxa ay ka wadaan Howlgal hubka looga dhigayo dadka hubeesan iyo waliba askarta katirsan Ciidanka Dowlada.

Laamiga Maka Al-Mukarama ayaa lagu arkayaa Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka oo wata gaadiidka Tiknikada ah kuwaa oo istaajinaya baabuurta ay saaranyihiin Ciidamada Dowlada iyo kooxaha kale ee Hubeesan .

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhoor askari oo hubeesan kuwaa oon wadan dareeska Ciidanka Dowlada , waxa ay sidoo kale Ciidamada qabteen askar hubeesan oon iyagana aan wadan aqoonsi ciidanimo.

Waxaa Wali Ciidamada Dowlada ay wadaan Howlgalo ay hubka uga dhigayaan Kooxaha hubeesan ee kusugan Magaalada Muqdisho , waxaana maanta laamiga Maka Al-Mukarama si weyn looga dareemayaa howlgalka ay wadaan Ciidamada Nabad Sugida.

Mudooyinkii Dambe Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhay Kooxo Hubeesan oo gaadiid wata kuwaa oo toogasho ku dila Masuuliyiinta iyo xubnaha kale ee katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya , waxaana Weerarada Nuucaas ah horey loogu dilay Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo Dowlada katirsan.

C/weli Xasan tarabatooni Muqdisho

Short URL: http://barmuudo.com/?p=4967

Posted by on Sep 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented