| | 2 views

Group G: Chelsea Oo Ku Bar Baratay Naadiga Moribor Kulan Halyee Drogb Uu Shabaqa Taabtay

Chelsea1

 

Barmuudo News

Macalin Jose Mourinho hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay madaama uu horey u sheegay in kooxdiisa aysan marnaba dhayilsan doonin naadiga Moribor sidaa darteed Chelsea ayaa ku xaaqday kooda reer Slovenia 6-gool.

Kulankan xiisaha badan waxaa gool ku daah furay Loic Remy oo gool qurxoon dhaliyay daqiiqadii 13-aad balse xidigan gookii uu dhaliyay ayuu ku dhawaacmay waxaana lagu badalay Didier Drogba.

Halyee Drogba ayaa dhaliyay gool ku laad loo dhigay Chelsea wuxuuna cayaata ka dhigay 2-0 daqiiqadii 23-aad garoonka Stamford Bridge taageerayaasha ku jireen ayaa u wada sacabo tumeen Drogba.

Kabtan Terry ayaa weeraryahan isku badalay wuxuuna Chelsea u dhaliyay goolkii 3-aad daqiiqadii 31-aad wuxuuna baas ka helay Cesc Fabregas.

Qaybtii labaad markii la isku soo laabtay kooxda Moribor ayaa boorka iska jaftay balse nasiib daro Mitja Viler oo kooxda ka tirsan ayaa gool iska dhaliyay daqiiqadii 54-aad waxayna cayaarta noqotay 4-0.

 

Waxaa xusid mudan in naadiga Moribor loo dhigay rigoore balse waa iska qasaariyeen waxaana kooxdan sii ciqaabay Eden Hazard oo labo gool ka dhaliyay daqiiqadii 77-aad ayuu rigoore ka dhaliyay halka daqiiqadii 90-aad uu cayaarta ka dhigay 6-0.

Kulankan xiisaha badan ayaa kusoo idlaaday 6-0 oo ay Chelsea ku awood roonaatay wuxuuna macalin Mourinho ku farxay in xidigaha kooxdiisa ay 6-gool dhaliyeen weliba iyadoo oo uu ka maqan yahayDiego Costa.

Geeska kale kooxda Schalke oo Chelsea kul jirto qaybtan G ayaa kulan waali ah 4-3 kaga badisay naadiga Sporting Lisbon waxaa xusid mudan in haatan Chelsea ay leedahay7-dhibcood halka Schalke ay iyadana leedahay 5-dhibcood.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=5380

Posted by on Oct 22 2014. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented