| | 0 views

Benzema, Robben & Lahm Oo Hogaaminaya Kooxda Isbuuca Champions League-ga

Goolhayaha kooxda Olympiakos Roberto ayaa si fudud kusoo galay kooxda ugu wanaagsan Champions League xili cyiaareedkaan kadib markii uu sameeyay wax qaas ah kulankii ay kooxdiisa xalay kaga badisay Juventus oo marti ku aheyd Athens.

Daafaca Bayer Leverkusen Guilio Donati ayaa ku jira shaxda kaas oo waxqabad muuqda sameeyay kulankii ay guusha ka gaareen Zenit St, sidoo kale Luisao oo ka tirsan Benfica ayaa geesinimo muujiyay kulankii ay kooxdiisa Benfica barbaraha gool la’aanta ah la gashay kooxda As Monaco.

Sidoo kale John Terry oo todobaadkaan gool u dhaliyay Blues ayaa ku jira liiska, halka khadka dhexe ay soo galeen Koke iyo Lahm waxaana ku wehliya Arjen Robben.

Dhanka kale weerarka waxaa hogaaminaya Benzema oo laba gool ka dhaliyay Liverpool kulankii Anfield Road ee xalay dhacay, waxaana intaas sii raaca in Luiz Adrieno uu soo galay madama uu barbareeyay rikoorkii Lionel Messi ee Champions League kaas oo ahaa in hal kulan la dhaliyo Shan gool.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=5400

Posted by on Oct 23 2014. Filed under Ciyaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented