| | 0 views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay Beledwey

Barmuudo News

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daqiiqado ka hor gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, kadib markii uu saakay tagay degmada Ceelbuur.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada, waxaana ay wada hadalo la yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka magaalada.

Booqashadan Beledweyn ayaa la xiriirta sidii maamulka Gobolka iyo saraakiisha ciidamada ugala hadli lahaa xalinta rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyn.

Dadweyne careysan ayaa axadii dhigay banaan bax ay uga soo horjeedeen Ciidamada AMISOM, waxaana socda dadaalo ay dowladda xal uga gaareyso dagaal beeleedyadii ka dhacay duleedka Beledweyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labo jeer oo hore tagay Beledweyn, tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana booqashadiisa ay ka duwan tahay kuwii hore.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda inay ku lug leeyihiin colaada ka jirta Gobolka Hiiraan.

Gudi Wasiiro ah ayaa Xukuumada u saartay xalinta colaada ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay soo saareen baaq ku saabsan in la joojiyo colaada

Short URL: http://barmuudo.com/?p=5403

Posted by on Oct 23 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented