| | 3 views

Sawirro: Faarax C/qaadir oo arrin yaab leh ka dhigay shirkii golaha wasiirada

Saraakiil ka tirsan xafiidka Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa noo sheegay in Farax C/qaadir oo ah wasiirkii dastuurka ee la geeyey wasaaradda xanaanada xoolaha uu xalay ka qeyb galay shirkii golaha wasiirada.

Si kastaba arrinta yaabka leh ayaa ah, sida ilo-wareedyada Sheegayaan, in Farax uu sharxay waxqabadka wasaaradiisa caddaalada iyo arrimaha garsoorka intii lagu guda jiray dhageysiga hawlaha todobaadka ee wasaaradaha.

HALKAN KA DHEGEYSO

Ra’iisul wasaaraha oo beddelay Faarax, ayaa la sheegay inuusan waxba ka oran arrintaas, islamrkaana uu dhageystay Faarax.

“Wasiirada ayaa la yaabay sida wax uga dhaceen shirki golaha oo ahaa mid xaaladihi la filayey wax badan ka baddalay” ayuu yiri wasiir codsaday inaan la shaacin.

Arrintan ayaa muujineysa in dagaalka madaxweyanaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu wali siyaasadeysan yahay oo koox walba ay qorshaheeda si hoose u wadato.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu Cabdi Weli xalay ugu sheegin Faarax inuusan ahayn wasiirka dastuurka, uusanna magaca wasaaraddaas ku hadli karin.

Hoos ka arag Sawirro caddeynaya Faarax oo kullankii xalay jooga, welibana garab fadhiya Cabdi Weli

wasiirada-1wasiirada-2wasiirada-3wasiirada-4

Short URL: http://barmuudo.com/?p=5411

Posted by on Oct 28 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented