| | 2 views

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo masuuliyada khilaafka taagan ku eedeeyey raisul wasaaraha dalka

Barmuudo News

Waxaa shalay galab kulan kub yeeshay magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia iyo siyaasiyiin kale, kaasoo looga hadlay khilaafka ka dhex aloosan madaxda dowlada.

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay xubno kala duwan oo ku dheeraaday khilaafka taagan iyo habka loo xalin karo, iyagoo walaac ka mujiyey waxyaabaha ka iman kara haddii uu sii daba dheeraado.

Xildhibaan Faadumo Cali oo ka mid ahaa xubinihii ka hadlay kulankan ayaa ugu horeyn masuuliyada khilaafka taagan ku eedeeysay inuu ka dambeeyo ra’isul wasaare C/Wali.

“Raisul wasaare C/wali ka masuul ah muranka siyaasadeed ee taagan, waayo? wuxuu dhowr jeer sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis aanu waxba ka ogeyn madaxweynaha” ayey tiri xildhibaan Faadumo Cali.

Waxay intaa ku dartay in raisul wasaaruhu uu ku kacay qaladaad badan mudadii uu xilka hayey, madaxweynuhuna uu wax badan u dulqaatay balse qaladadaadkii ay noqdeen wax aan dhamaad laheyn.

“Bilo ka hor waxaa isbedel ku sameeyey saraakiishii amaanka dalka wuxuuna magacaabay wasiirka amniga, madaxweynuhu lama socon, haddana wuxuu xilka ka qaaday taliyaha Sirdoonka madaxweynuhu waa carooday laakiin waa iska daayey isagoo diidan khilaaf, balse C/wali sidaas kuma harin wuxuu isku shaandheyn ku sameeyey wasiirada qaarkood isagoo aan cidna talo weydiinin waana taas mida keentay khilaafka taagan” ayey tiri xildhibaan Faadumo Cali oo RW ugu baaqay inuu shaqada ka tago.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulanka xildhibaan Maxamed C/llaahi oo Raisul wasaaraha ku eedeeyey inuu saxiixay in madaxweynaha maamulka Puntland Gaas uu ka qeyb galo shir caalami ah oo ka dhacay London isagoo huwan magaca Somalia.

“Wuxuu dhinac maray dastuurka, madaxweynaha dalka ayuu xaqiray, waxaa laga xukumaa. kana talo qaataa Puntland maahan masuul u soo jeeda inuu wax qabto shaqada hortaala xukuumadiisa” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi ayaa dhinaca ku amaanay wasiiradii ay saameysay isku shaandheynta oo uu sheegay iney wax badan ka qabteen howlaha dowlada laga sugayo, isagoo tusaale u soo qaatay wasiirka garsoorka iyo dastuurka Faarax C/qaadir iyo wasiir ku-xigeenka maaliyada.

“Faarax waxaan ognahay inuu horey uga qeyb qaatay horumarinta waxbarashada dalka, haatana wuxuu ku guda jiraa tayeynta garsoorka dalka, tababarada shaqaalaha, dardar gelinta dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale” ayuu yiri xildhibaan Maxamed C/llaahi.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=5422

Posted by on Oct 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented