| | 17 views

Libaax Rabaayad ah oo xalay baxsaday dadna ku dhaawacay Magaalada Muqdisho

(BARMUUDO.COM):-Degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Jungal waxaa xalay baxsaday Libaax rabaayad ahaa kaasoo daqiiqado gudahood dib ugu soo laabtay halkii uu ku xirnaaa .

Haweeney Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay xaafada jungal ku xanaaneyso ilaa sedex libaax iyadoo labo ka mid ah ay hore u geeriyoodeen halka midka sedaxaadna uu xalay baxsaday inkastoo uu soo laabtay.

libaax

Libaaxa xalay baxsaday ayaa dhaawacay gabar iyo wiil,iyadoo dadka deegaanku sheegeen in gabadha ay ka tirsaneyd guriga lagu hayay libaaxa lagu hayay halkaa wiilkana uu ku dhaawacay guriga banaankiisa.

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in cabsi badan ay soo wajahday dadka ku dhaqan nawaaxiga halka libaaxa uu ka soo baxsaday kuwaasoo mar kaliya qeylo iyo sawaxan isku darsaday.

Libaaxa ayaa ka badbaaday in dadka deegaanku dilaan waxaana uu degdeg ugu laabtay halkii lagu xanaaneynayay.

Xafiiska warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud Tarabatoni
infobarmudo@gmail.com
00252615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=5968

Posted by on Nov 29 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented