| | 5 views

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo Dalka Talyaaniga kula shirey dhigiisa Germany

(BARMUUDO.COM):-Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Rome ee Xarunta Talyaaniga wuxuu kula shirey dhigiisa dalka Germany Steinmeier.

Wasiirka Beyle ayaa u jooga Rome ka qeybgaalka shir looga hadlayo dadka soo galootiga ku ah qaaradda Yurub.

Bayle iyo Steinmeier waxay isla soo qaadeen xiririka labada dal iyo guud ahaan xaalada dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Wasiiirka arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Bayle ayaa uga warbixiyay dhigiisa Germany horumarada ay sameysay Dowlada Soomaaliya mudadii yareyd ee ay jirtay tan iyo intii kumeelgaarnimada laga baxay.

“Dowladu waxay wadaa hanaanka dimuquraadfiyetnta dalka iyo waliba nabadeynta “ayuu yiri Wasiir Bayle
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Steinmeier ayaa isna ka hadlay kulanka waxaana uu soo hadal qaaday doorka Jarmalku ku leeyahay hanaanka dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

wasiirka

Dowlada Jarmalka waxay u qoondeysay Soomaaliya hal miyan Doolar si wax looga qabto arimaha horumarinta iyo bini’aadanimada.

Dowlada Jarmalka waxay hore Dowlada uga gacan siisay arimo dhow sida tababarka ciidamada iyo horumarinta ,sidoo kale waxay door fiican ku leeyihiin dib u eegista dastuurka.
Xafiiska warqabadka Muqdisho

C/weli Xasan Maxamuud Tarabatoni
infobarmudo@gmail.com
00252615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=5971

Posted by on Nov 29 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented