| | 3 views

Askari Dowlada ka tirsan oo qofna dilay qof kalana dhaawacay

(BARMUUDO.COM):-Mid ka mid ah askarta Dowlada Soomalaiya oo cabsan ayaa maanta Xaafada taleex ee degmada Hodan wuxuu ku toogtay labo nin oo midi dhintay halka midka kalana dhaawac xun uu gaarsiiyay.

Askarigaan oo cabsanaa sida dadka deegaanku sheegeen ayaa rasaas la beegsaday labada nin, dadka deegaanka ayaa isku dayay inay qaadaan kan dhaawaca ah laakiin waxaa diidan askarigii awalba dhaawacay kaasoo rasaas lee aganaya cid kasta oo isku deyda inay dhaawaca qaado.

ASKARI

Ciidamo kale oo hubeysan ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo suurtageliyay in dhaawaca la qaado markii ay rasaas ku fureen askariga cabsan kaasoo magaciisa lagu soo koobay Cabdi Qase.

Sidoo kale qorshaha ciidamadaan ayaa ah inay qabtaan gacan ku dhiiglaha walow uu isna is difaacay,qofka dhintay waxaa magaciisa lagu soo koobay C/samad,halka qofka dhaawacan lagu magacaao Digil Maxamuud.

Maaha markii ugu horeysay oo askari Dowlada ka tirsan uu shacabka waxyeeleeyo ,hore ayay u dhacday in ciidamadu dad shacabka naftoooda dhaafiyeen.

Xafiiska warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud Tarabatoni
infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=6036

Posted by on Nov 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented