| | 13 views

Hay’ada TIS/IOM oo Mashaariic Horumarineed ka fulisay Degmooyinka Gobolka Banaadir+SAWIRO

Hay’ada TIS/IOM ayaa mashaariic horumarineed waxaa ay ka fulisay Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasoo laga xusi karo leyrarka ku shaqeeya cadceeda oo ay ka hirgaliyeen qeybo ka mid ah wadooyinka degmooyinkaasi.

Mashaariicda Hay’adaani fulisay waxaa ugu danbeeyay kuwo ay ka fuliyeen Degmada Boondheere sida wadada isku xirta Madaxtooyada ilaa maana Boolyo iyo sidoo kale leyrar ku xireen xarunta degmada Boondheere.

Xalay ayaa munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Boondheere waxaa lagu soo bandhigay leyrarka sida gaarka ah loogu xirey garoonka ciyaaraha ee Xarunta Degmada ku dhex yaal, waxaana la qabtay tartan kubada cagta ah oo dhexmaray labo koox oo ka kala socday Ciyaartoydii Cuslaatay ee degmadaasi.

Dadweyne boqolaal gaarayay,ciyaartoy badan iyo mas’uuliyiinta Degmada Boondheere ayaa ka soo qeybgalay munaasabadaasi waxaana xalay ciyaar adag ay dhexmartay labo kooxood oo loogu kala magac daray Black Star iyo White Star waxayna kala xirnaayeen sida magaca aad ka garaneysaan maaliyado cad cad iyo kuwo mad madow.

Mas’uul u hadlay Hay’ada TIS/IOM ayaa saxaafada u sheegay in dharka Madow iyo dharka cad cad ee lagu ciyaarayay ay ula jeedaan Mugdigii degmada oo laga baxay loona baxay Iftiin sidaasna ay ku yimadeen maaliyada Madowga iyo Caddaanka.

Ciyaarta oo soo jiidatay dadkii daawanayay ayaa laheyd xiiso gaar ah waxaana ugu danbeyn adkaaday ciyaartoyda white Star waxana afka ciida loo daray black Star .

Ciyaartoy u kala hadashay labada dhinac ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka la gaarsiiyay garoonka oo awal maalin kaliya lagu ciyaari jirey balse ay iminka habeenkii ciyaari karaan.
“waxaan uga mahadcelineynaa Hay’ada TIS/IOM horumarka ay degmada ku soo kordhiyeen”ayuu yiri Yaasiin Sheekh Yuusuf oo ciyaartoyda ka mid ahaa

Gudoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Xasan Cabdulle ayaa ka soo qeybgalay Munaasabada waxaana uu koobab kala gudoonsiiyay kooxihii kala galay kaalimaha kowaad iyo labaad ee tartanku u dhexeeyay.

Caasimada.com ayaa Gudoomiyaha wax ka weydiisay sida uu u arko waxqabadka Hay’ada TIS/IOM waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, si weyna u soo dhaweynayo.

“anaga waxaan shuruud la’aan ku soo dhaweynaynaa cid kasta oo wax ku soo kordhineysa degmada,waliba wax kasta oo aan karno ayaan ku garab siineynaa”ayuu yiri Gudoomiyaha

xafiiska warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud Tarabatoni
infobarmudo@gmail.com
00252615749191

1 2 3 4 6 7 08 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19

Short URL: http://barmuudo.com/?p=6016

Posted by on Nov 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented