| | 2 views

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay Cilad Bixinta nalalka cadceeda ku shaqeeya+SAWIRO

Sida ay sheegtay idaacada dowlada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay hawlo lagu cilad bixinayo nalalka cad ceedda ku shaqeeya ee ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama, kuwaasi oo qaarkood aan shaqeynin.

Cabdullaahi Maxamed Cabdulle Saneey oo ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Benaadir ayaa warbixin kooban siiyay xubno ka socday Maamulka Gobolka oo maanta howlo kormeer ah ku tegay goobaha ay ka socdeen cilad bixinta nalalka, taasi oo u jeedkeedu ahaa sidii ay u indho indheyn lahaayeen sida ay u socota howlaha cilad bixinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir ee dhanka howlaha guud Cabdicasiis Cilmi la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Benaadir ay ka go’antahay sidii dib loo soo celin lahaa bilicdii caasimadda, isagoo intaa ku daray in waddooyinka kale ee magaalada Muqdisho ay gaarsiin doonaan nalalka cad cadeedda ku shaqeeya.

1 2 3 4 5 6

Short URL: http://barmuudo.com/?p=6043

Posted by on Nov 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented