Home » November 29th, 2014 Entries posted on “November, 2014”

Xiisad ka dhalatay dagaal Beeleed ka qarxay Gobolka Mudug oo wali taagan

(BARMUUDO.COM):-wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheeggaya in Xisiad ka dhalatay dagaal beeleed ka qarxay shalay deegaanka Warshubo oo 100 km Waqooyi kaga beegan Degmo xeebeedka xarar dheere ee Gobolka Mudug uu ilaa maanta taagan yahay. Dagaalka oo u dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamada maamulka ximin iyo xeeb ayaa sababay shalay kaliya inay dhintaan 16 […]

November 29th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

DAAWO VIDEO: Taliska Boliiska oo amar lagu farxay ka soo saaray dadka sida xun adeegsada Damaashaadka Xeebta Liido

Taliyaha Boliiska Degmada C/caziiz Axmed C/laahi Axmed (Axmed Yare) ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Dowlada SNTV wuxuu kaga hadlay dadka sida xun u adeegsada damaashaadka xeebta Liido. Taliyaha ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday in xeebta liido amnigeeda si fiican loo sugo maalin kasta gaar ahaan maalmaha dadku fasaxa leeyihiin sida Jimcaha iyo Khamiista oo […]

November 29th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Kulan Wacyigilin Ah Oo Loo Qabtay Dadka Ku Dhaqan Degmada Xamar Jajab “Sawirro”

Kulankani oo looga hadlayay sida bulshada ku dhaqan Degmada Xamar Jajab ay isaga kaashan karto horumarka dalka,iskaashiga dhinacyada waxbarashada,iyo caawinta bulshada dhexdeeda ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada Xamar Jajab, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kale duwan Bulshada ku dhaqan Caasimada, iyo dadweyne ka kala yimid Waaxaha […]

November 28th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Xildhibaanada diidan Mooshinka Ra’iisulwasaaraha oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Xasan ogoladay in khilafka wada hadal lagu dhameeyo+SAWIRO

Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisulwsaaraha ayaa shir gaar ah oo ay maanta qabteen waxay markii ugu horeysay ku shaaciyeen in kulan ay la yeesheen Madaxweynaha uu ka aqbalay in Khilaafka Dowlada u dhexeeya lagu dhameeyo wadahadal. Xildhibaanada ayaa shirkooda kadib waxay soo saareen warmurtiyeed ay kaga hadlayeen wixii ka ka soo baxay […]

November 27th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Musharax cusub oo ku soo biiray siyaasiyiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe+SAWIRO

(BARMUUDO.COM):-Siyaasi hor leh ayaa ku soo biirey Muusharixiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee lagu wado in dhamaan loo sameeyo gobolada Galgaduud iyo Mudug. C/Samad Nuur Guuleed oo hadda ah madaxweyne xigeenka Maamulka Galmudug ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu kaga dhawaaqay inuu tartamayo xilka Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya. Siyaasigaan […]

November 27th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Ahlunada Gobolada dhexe oo ka digtay diyaarad aysan ogeyn inay ka soo degato meelaha ay ka taliyaan

(BARMUUDO.COM):-War ka soo baxay `Maamulka Ahu suna ee Gobolada dhexe ayaa looga digay diyaaradaha ka dhex shaqeeya Soomaaliya inay amar la’aan ka sooo degaan Garoomada Gobolka Gedo. Xoghayaha Difaaca Maamulka Ahlusunadda Koofureed ee Dalka Soomaaliya Sheikh Isxaaq Mursal ayaa warbaaahinta u mariyay digniintaasi kadib isku dhac shalay dhex mari gaaray ciidamada wajiyada duubta ee Dowlada […]

November 27th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

ku dhawaad 50 ka tirsan Dagaalyahanada alshabaab oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo

(BARMUUDO.COM):-Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha dhanka amniga ee maamulka Jubba howlgal ay Magaalada Kismaayo ka sameeyeen ayay ku soo qabteen in ka badan 40 dagaalyahanada alshabaab ka tirsan. Mid ka mid ahh saraakiisha dhanka amniga oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Barre ayaa warbaahinta u sheegay inay qabteen 42 ruux oo ka tirsan xooogaga alshabaab […]

November 27th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Alshabaab “markaan weerar u geysano Kenyaatiga waxay ku ciil baxaaan shacabka

(BARMUUDO.COM):–Ururka Al-shabaab ayaa ka dhawaajiyay in marka ay Kenyaatiga wax gaarsiinba ay ku ciil baxayaan shacabka aan waxba galabsan ee ku dhex nool gobolada Jubooyinka iyo waliba xoolaha nool. Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo ah Sarkaalka ugu sareeya gobolada Jubooyinka ee dhanka Alshabaab ayaa saxaafada u sheegay diyaaradaha Dagaalka Kenya ay duqeeyaan shacabka iyo xoolaha jubooyinka […]

November 27th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Qoraalka ay Xildhibaanada diidan Mooshinka ku dalbadeen faragelinta shisheeye oo Inglish ku qoran

Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa qoraalkaalka ay Xidhibanada diidan mooshinka Ra’iisulwasaaraha u gudbiyeen Beesha Caalamka isagoo inglish u qoran. Xidhibaanada ayaa ka codsaday Aduunka in la soo faragaliyo Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha iyagoo sheegay in la xalin waayay islamarkana uu qatar ku yahay jiritaanka Qaranimada Soomaliya Hadaba qoraalka iyo saxiixa xildhibaanada halkaan ka aqriso :- […]

November 26th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

Xildhibanada ka soo horjeeda Mooshinka Ra’iisulwasaaraha laga keenay oo Beesha Caalamka u gudbiyay qoraal ay ku dalbanayaan Faragelin shisheeye

Xildhibaanda Soomaliyeed garabka ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisulwasaaraha Soomaliya C/weli Sh.Axmed ayaa yeeshay kulan loo diiday saxaafada inay ka qeybgasho. Kulanka oo albaabada u labnaa waxaa warar hoose oo aan helnayay sheegayaan  in looga hadlay arimo ku saabsan khilafka ka dhex jira Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaare C/weli kaasoo saameyn weyn ku yeeshay […]

November 26th, 2014 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented