| | 1 views

Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo la sheegay inay duqeysay sarkaa alshabaab ka tirsan

(BARMUUDO.COM):-War dhanka Mareykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn ay xalay ku duqeeyeen DegmadaSaakow ee Jubadha dhexe Dalkeena Soomaaliya halkaasoo ay ka taliyaan xoogaga Islaamiyinta Alshabaab.

Mareykanka waxay sheegteen inay la eegteen weerarkooda sarkaal sare oo alshabaab ka tirsan inkastoo degmada ay dad badan oo shacab ah ku nool yihiin.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Mark Wright ayaa saxaafada u sheegay in duqeyntooda ay ku dileen sarkaal alshabaab sida uu aaminsan yahay.

Mark Wright wuxuu intaasi ku daray inay dib ka soo faahfaahin doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka ay ka geysteen dhulka Soomaalida ee Saakow.

Inkastoo Mareykanku sheegin Magaca Sarkaalka ay sheegeen inay duqeeyeen hase yeeshee warar aan la hubin ayaa sheegaya inuu yahay Sheikh Fu’aad Maxamed Shongole.

xafiiska warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Taraba)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=7253

Posted by on Dec 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented