| | 3 views

Kooxo hubeysan oo maanta haweeney ku toogtay Degmada Dharkenley

(BARMUUDO.COM):-Degmada Dharkenley magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu toogtay Haweeney ka howlgeli jirtay Bangi Muqdisho ku yaa;.

Kooxo Baastoolado ku hubeysan ayaa haweeneyda waxay ku togteen Xaafada Dabakaayo Madoow ee Degmada Dharkeynley waxana lagu magacaabi jirey Maryan Axmed Bootaan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada oo ku soo baxay goobta ay gacanta ku dhigeen labo ruux kuwaasoo lagu eedeynayo inay ka danbeeyeen dilka.

Sidoo kale waxaan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka loo dilay haweeeydaasi Soomaaliyeed ,maamulka Degmada dharkeenley ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan dhawaan.

Dilkalka ceynkaan oo kale ah ayaa ku soo badanayay caasimada sanadihii ugu danbeeyay kuwasoo u badnaa arimo siyaasadeed.

Xafiiska warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud(Tarabatoni)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=7269

Posted by on Dec 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented