| | 2 views

Kulanka Dad Weynaha iyo Guddoomiye Muungaab+SAWIRO.

Gudoomiyaha G/banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab”ayaa Maalin walba oo Isniin ah Ku qaabila Xafiiskiisa Degmada Hiliwaa Dadweynaha Soomaliyeed si uu u dhageysto Cabashada, Tallooyinka,Fikradaha Wax Dhisaya iyo Aragtidooda Guud.

“Muungaab:Aniga la ima weynin maalin walba oo isniin ah waa Maalinta Shacabka(Puplic Day) ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo isagoo Boqolaal Dad weyne ah dhex fadhiya.

Gudoomiyaha G/banaadir ayaa maanta wuxuu qaabilay dad kor u dhaafay 500 Qof oo dhamaantood shacab ahaa qaar ayaa iskula socday koox koox qaarna waxay ahaayeen kali kali oo oo intooda Badan ka hadlayey Danahooda gaarka ah halka kuwo kalena ay Guddoomiyaha U Gudbiyeen Aragtidooda ku aadan Howlaha Horumarka Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Muungaab ayaa sheegay in Bulshada Soomaliyeed uu u Furan yahay Xafiiskiisa mar walba gaar ahaan Maalinta isniinta oo ah Maalinta Shacabka( Puplic Day) taas oo u furan dhamaan shacabka reer Muqdisho.

Si kastaba Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa diyaar u ah inuu wax ka qabto Dhibaatada dadka ku nool magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Xafiiska Warbaahinta iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir
E-mail: info@mog.so

1 2 3 4 5 6 8 9 10

Short URL: http://barmuudo.com/?p=7255

Posted by on Dec 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented