| | 0 views

Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Yaaqshiid oo maanta la toogtay

(BARMUUDO.COM):-Rag hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay goor dhow Degmada Yaaqshiid ku toogteen Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay Rabi ha u naxariistee oo lagu magacaabi jirey Axmed Maxamed Goobe ayaa ahaa Xoghayihii Laanta Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid.

Ciidamada Dowlada ayaa ku soo baxay waxayna baaritaano ka wadaan halkii dilku ka dhacay walow ay baxsadeen kooxihii dilka fuliyay .

Wiil uu dhalay Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamed ayaa xaqiijiyay geerida aabihiis isagoo tilmaamay inaysan aqoon kuwa dilka geystay islamarkaana ay baxsadeen.

Maamulka degmada Yaaqshiid wali wax faahfaahin ah kama aysan bixin dilka marxuumkaani ka tirsanaa mas’uuliyiinta degmada gaar ahaan laanta Suuq-bacaad.

Xafiiska warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud(Tarabatoni)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=7259

Posted by on Dec 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented