| | 3 views

Sirdoonka Kenya oo Maanta xoog ku kaxeystay Sakariye Ismaaciil oo gacanta Dowlada ku jirey

(BARMUUDO.COM):-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Ceelwaaq inay maanta weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo gacanta ku hayay Sarkaal alshabaab ka tirsanaa oo dhawaan isku soo dhiibbay Dowlada .

Ciidamada Kenya ayaa xoog kula wareegay sarkaalka Alshabaab ka soo goostay ee lagu magacaabo Sakriye Ismaaciil Xirsi waxayna u kaxeysteen meel aan la aqoon ilaa iminka.

Sarkaalkaan waxaa lagu waday in Maanta diyaarad qaas ahi ka soo dejiso Magaalada Muqdisho laakiin ciidamada Kenya ayaa qorshahaasi wadada u gashay.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo ay u diideen ciidamada Kenya in lagu wareejiyo sarkaalkaasi.

Si kastaba wax war ah wali kama soo bixin Dowlada Soomaaliya marka la eego tacdiga ay maanta sameeyeen ciidamada Kenyaatiga ah,taasoo sharaf dhac ku noqoneysa Dowlada hadii aan jawaab degdeg ah laga bixin dibna gacanta dowlada loogu soo celin sarkqaalkaasi.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=7273

Posted by on Dec 30 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented