| | 4 views

Khasaare nafeed oo ka dhashay Guri ku soo dumay qoys deganaa Degmada Hodan

(BARMUUO.COM):-Waxaa saka guri ku soo dumay qoys ku dhaqnaa Degmada Hodan kuwaasoo ka koobnaa Hooyo,Aabe iyo 2 caruur ah.Inta la ogyahay waxaa dhintay aabihii halka hooyadiina uu soo gaaray dhaawac iyaadoo loo qaaday goobaha caafimaaadka.

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Hodan Maxamuud Xasan Cali oo xaqiijiyay geerida iyo dhimashada ku timid qoyskaasi ayaa tilmaamay in guriga dumay uu ahaaa dhismihi hore ee aadka u duugoobay.

Mas’uulkaan wuxuu ugu baaqay Dowlada inay u soo gurmato qoyska inta ka hartay kuwaasoo kala ah hooyada oo dhaawacan iyo caruurta ay dhaleen.

Maaha markii ugu horeysay oo Qoys Soomaaliyeed uu guri ku soo dumo gudaha magaalada Muqdisho ,hore ayay u dhacday mashaqo ceynkaan oo kale ah.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)
infobarmudo@gmil.com

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=8392

Posted by on Jan 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented