| | 24 views

Soomaali qaxooti ku ah Dalka Swaziland dhibaato badana loo geystay oo Dowlada soo gaarsiiyay cabashadooda.

Qaar badan oo ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah Dalka Swziland ayaa ka cabanaya dhibaatooyin badan oo loogu geystay dalkaasi .

Mid ka mid ah dadkaasi oo ka badan labaatameeyo ruux ayaa qoraaal soo gaarsiiyay Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.
Cabashada shaqsigaasi oo la soo gaarsiiyay  Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuurayaa u qorneyd sidan:
ACW WR WB salaan kadib Xildhibaan waxan ka mid ahay dad Soomaaliyeedoo qaxooti ku ah wadanka Swaziland , halkaas waxaan kala kulanay dhibaatooyin aad u baaxad weyn oo ay ka mid tahay in beero nalagu fasho si qasab ah ,markaan weydiino mushaarkeena waxay noogu hanjabaan inaan wax xaq ah ku laheyn dalka.
Sidoo kale mudane Xildhibaane waxay naga bur buriyeen masaajid aan ku cibaadeysan jirney iyagoo noo sheegay inaan naloo ogoleyn cibaado,waxaa na heysta mudane Xildhibaano Cuno la’aan, dawo la’aan iyo biyo la’aan.
Si kastaba ha ahaatee Mudane Xildhibaane inagoo ah 22 ruux ayaanu cabashadeena u gudbinay wasaarada arimaha gudaha Swaziland Kingdom waxayna nagu war geliyeen inaan dalkooda ka bxno,markii aan damacnay inaan ka soo baxno dalkooda ayay hadana waaxdooda socdaalka noo diidee inaan baxno,hada waxaan ku suganahay xuduuda ay la leeyihiin dalka Muzanbique ,sidoo kale iyagana waxay nagu wargeliyeen inaan dalkooda soo geli karin.
Magacyada 22 ruux ee Soomaalida ah ee cabashada soo gudbiyay waxay kala yhiin:
1-C/aziiz Yuusuf Ali
1-Cumar Mowliid Warsame
3-Maxamuud Maxamed Xasan
4-Aadan C/laahi Dacar
5-Maxamed C/raxmaan Maxamuud
6-Claahi Cumar Caddow
7-Qaalid C/wahaab
8-C/raxman Axmed Cali
9-C/laahi Xaaji Cali
10-C/risaq Xuseen Amiir
11-Arwaax Shaafici Cabdi
12-C/laahi Sheekh
13-Xasan Cali Jaamac
14-C/risaq Xuseen Ow cilmi
15-Geedi Siidii Cali
16-Ceynaanshe Cali Shire
17-Shirshoore Xasan Qaal
18-Geelle C/raxmaan Galad
19-Warfaa Muuse Isaaq
20-Istaahil C/qaadir Xasan
21-Bishaar Xaaji Nuur
22-Sahra Cigaal Rabiile

Short URL: http://barmuudo.com/?p=8394

Posted by on Jan 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented