| | 1 views

DEG DEG: RW Cumar oo Barlamanka DFS ka codsaday in waqti dheerada markale Siiyaan

breaking-news-150x150BARMUUDO.COM

Shabakada BARMUUDO.COM ayaa heshay xog ku aadan in maanta laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado kalsooni u qaadista Golaha Wasiirada Cusub uu dhawaan soo dhisay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Warar aan heleno ayaa sheegaya in R/Wasaaraha Soomaaliya oo ka cabsi qaba in xukuumadiisa ay ay si fudud ku weyso codka kalsoonida Baarlamaanka uu Xildhibaanada ka codsan doono in Waqti dheeraad ah siiyaan ugu yaraan 10 maalin ah.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noo sheegay in R/Wasaaraha Soomaaliya uu wato qorshe waqtiga Kalsoonid u qaadista Golihiisa Wasiirada in loogu kordhiyo uga codsanayo Baarlamaanka si uu usoo dhameestiro Golaha Wasiirada.

R/Wasaaraha ayaa Baarlamaanka ka hor sheegi doono sida aan xogta ku heyno in Xukuumadiisa ay wali qabyo ay tahay uuna doonayo in uu soo dhameestiro Golaha Wasiirada oo 25-ah balse hada magacaaban 20-Wasiir, sidoo kale uu kusoo dhameestiro Wasiiru-Dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada , isagooan Baarlamaanka ka codsanaya in waqto dheeri ah ay siiyaan si uu u horkeeno Xukuumad dhameestiran.

Lama oga sida ay Baarlamaanka Soomaaliya mar kale u aqbali doonaan codsiga R/Wasaaraha Soomaaliya, waxaana suurto gal ah in uu dib u dhac ku yimaado kalsooni u qaadista Golaha Wasiirada Cusub.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)

WQ>CADNAAN C/LAAHI MR NAAIF

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Short URL: http://barmuudo.com/?p=8415

Posted by on Jan 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented