| | 2 views

LIVE MUQDISHO: Maxaa ka socda Xarunta golaha Shacabka Barlamanka Soomaaliya?

BARMUUDO.COM

Maanta oo ku beegan 31 Janaayo 2015 maalin Sabti ah ayaa waxa la filayaa Kulanka Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Codka Kalsoonida loogu qaado Xukuumada Cusub ee lasoo dhisay dhawaan.

R/wasaare CCC Sharma’arke ayaa waxa uu isagu maanta horgeyn doonaa 20 Wasiir uu soo magacaabay Baarlamaanka si ay kalsoonida usiiyaan.

Ilo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Xafiiska CCC ayaa waxay sheegeen in Kalsoonida ugu badan ee R/wasaaraha uu muujinayo ay tahay Codka Kalsoonida ay heli doonaan Xukuumada weli aan la dhameystirin.

Ilaa hadda waxa magacaaban 20 Wasiir waxaana dhiman Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiiru dowlayaashii ka mid noqon lahaa Xukuumada Cusub ee Somaliya.

Waxaa jira Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu ku fashilmay xil ay Xukuumada ka qabtaan ay kasoo horjeesan doonaan oo ay Codka Kalsoonida udiidi doonaan Wasiirada Cusub ee Lasoo Magacaabay

WIXII WAR EE KUSOO KORDHO WAXADD KALA SOCON DOONTAAN  WARAR KEENA DAMBE

Short URL: http://barmuudo.com/?p=8413

Posted by on Jan 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented