| | 3 views

Qarax ka dhacay Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose

BARMUUDO.COM

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Gaari ay wateen Ciidamada Kenya ee AMISOM-ta qeyb ka ah Qarax lagula eegtay Duleedka Degmada Afdmadoow ee Gobolka Jubada hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhashay khasaare  dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray Askarta Kenyaanka ah ,balse tirada lama xaqiijin .

Qaraxa kadib ayaa lagu soo waramayaa inuu iskahormaad kooban ku dhaxmaray Dagaalmayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM  halka uu Qaraxau ka dhacay oo ah Duleedka Degmada Afmadoow Jubada hoose.

Al-Shabaab ayaa Warbahaintooda kusoo qoray inay gabi ahaan ay gubeen Gaariga ay qaraxa la eegteen islamarkaana ay dileen Askar badan,inkastoo aysan jirin illo wareed Madax banan oo cadeyn kara sheegashada Al-Shabaab.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)

WQ>CADNAAN C/LAAHI MR.NAAIFv1-150x150

Short URL: http://barmuudo.com/?p=8435

Posted by on Jan 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented