| | 2 views

RW Cumar oo Barlamanka Codsi Adag ka hor jeediyay

1124-150x150BARMUUDO.COM

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu maanta uu hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Ajandaha maanta ee kulanka Baarlamaanka wuxuu ahaa in codka kalsoonida loo qaado labaatanka Wasiir, ee uu Ra’iisal Wasaaruhu soo magacaabay 27-kii bishaan.

Ra’iisal Wasaaraha oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ka codsaday in fursad loo siiyo 10 maalmood oo kale, si uu ugu soo dhameystiro Golahiisa Wasiirada cusub.

Xildhibaanada Baarlanaanka waxay bilaabeen inay ku buuqaan Ra’iisal Wasaaraha. Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa fasaxay Ra’iisal Wasaaraha.

Gudoomiyuhu wuxuu Xildhibaanadu u soo jeediyay in laga doodo codsiga Ra’iisal Wasaaraha, si codka loogu qaado in 10 maalmood oo dambe loogu daro iyo inaanan loogu darin.

Kulanka Baarlamaanka wuxuu maanta ku furmay 230 Xildhibaano, sida uu ka dhawaajiyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)

WQ>CADNAAN C/LAAHI MR.NAAIF

Short URL: http://barmuudo.com/?p=8429

Posted by on Jan 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented