| | 1 views

Sir-Cusub: Maxaa U qorsheysan RW CC Hadii BFS Ansixin waayo Xukumadiisa Cusub…?

topsecret-150x150BARMUUDO.COM

Sida aan wada ognahay 12/01/2015 RW cumar C/rashiid wuxu so magacaabay gole wasiiro cusub oo ay ku Jiren Wasiiradii markii hore uu ka dhashay Khilaafkii lagu riday xukumadii uu R/Wasaaraha ka ahaa C/Wali Sheikh Axmed.

kadib muran iyo is qabqabsi badan oo ka dhashay golaha wasirada cusub ee usoo magacabay R/Wasaare Cumar C/Rashiid wuxu xoghoose ku helay in xukumada uu soo dhisay baarlamaanka uusan kalsooni buuxda sin doonin madama ay ku jiraan xubno uu markii hore ka dhashay khilaafka ka dhax jira dowlada dhaxdeeda intaas kadib R/Wasaaraha wuxu go.an adag ku qaatay inuu kala diro xukuumadii maalmaha yar jirtay, kala diristaas oo taariiq lama ilaawaan ah ka noqotay siyaasada Soomaliya madaama Ay noqotay xukumadii ugu waqtiga yareed inta la ogyahay taariiqda xukumadihii dalka soo maray.

Kadib latashiyo badan uu sameeyay & talooyin muhiim ah oo loo jeediyay RW Cumar taariiqdu markeey aheed 27 /01 /2015 wuxuu ku dhawaaqay gole wasiiro cusub oo aanan ku jirin wasiiradii la diidana iney soo laabtaan, Shacabka Soomaliyeed iyo Dadka odorosa siyaasada soomaliya ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay golaha wasiirada cusub ee RW Cumar uu soo magacabay Bulshada qarkood ayaa wali dhaliilsan wasiirada cusub.

Ra’izul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Golihiisa Wasiirada cusub waxaa maanta la horgeenayaa Baarlamaanka Soomaliya si ay Codka Kalsoonida usiiyaan ama ugu diidaan, walina lama saadaalin kari halka uu xaalku ku dhamaan doono .

Cumar C/Rashiid wuxu aaminsanyahay xukumadan cusub uu soo dhisay iney tahay xukumad mudan iney codka kalsoonida ka hesho baarlamaanka Soomaliya maanta marka la horgeeyo.

Hadaba maxa la gudboon R/W Cumar C/rashiid hadii ay dhacdo in baarlamaanku codka kalsoonida siin waayo xukumadiisa cusub, raisulwasaraha ayaa lafilaya 2 go.an Midkood qaato in uu is casilo qudhiisa iyo inuu markale soo dhiso xukuumad loo dhanyahay oo baarlamaanku si buuxda u ansixiyo.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=8404

Posted by on Jan 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented