Home » January 30th, 2015 Entries posted on “January, 2015”

QM iyo Mareykanka oo soo dhaweeyay maacaabista Wasiirada cusub ee Soomaaliya

Warsaxaafadeed uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayuu ku soo dhoweeyay ku dhawaaqidda Golaha Wasiirada Federaalka cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya 27-kii bishan Janaayo 2015. “Ku dhawaaqiddan waa tallaabo muhim ah ee loo qaaday dhanka dhisidda xukuumad cusub,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas […]

January 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Daawo Muuqaal “Caalamadaha Maalinta Yoomal qiyaamaha oo ah maalinta uu ilaahay soo gebagebanaayo aduunka

https://www.youtube.com/watch?v=3Vb9r1aiXYU#t=491 Caalamadaha iyo qaabka ay u dhacayso maalinta Yoomal qiyaamaha oo ah maalinta uu ilaahay soo gebagebanaayo nolosha aduunka oo dhan ayaa arintaas waxaa uu ilaahay ku sheegay quraanka Kariimka inkastoo qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool aduunkaan guudkiisa gaar ahaan gaalada aysan aaminsaney jiritaanka maalinta qiyaamaha. Maalinta Yoomal Qiyaamaha oo uu […]

January 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Faalladii A. Dulyar oo gil-gishay Villa Somalia {Ciqaab Wadareedka Siyasadda}Xaqiiq Jirta

BARMUUDO.COM Wey dhacdaa waana wax  la filan karo  marka uu soo xirmo albaab kasta oo la isku fahmi karo,  mar hadii ay mudadaan danbe   Siyaasadda  Soomaalida  ragaadisay  is qabqabsi iyo is kooxeysi ka dhex abuurmay golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, ayna  soo baxeen  magacyo cusub, sida Kudalada Badbaadada Qaranka iyo  Isbaheysiga Toosinta  talada Qaranka, iyadoo xildhibaanada […]

January 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Muungaab oo Duleedka Magalada Muqdisho ka billaabay Naleynta Laamiyada+Sawirro

BARMUUDO.COM Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay qorshaha layrarka cad-ceeda ku shaqeeya looga hirgelinaayo Degmooyinka Gobolka Banaadir, ee ku teedsan Wadada Warshadaha. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo maanta kormeeray Wadada Warshadaha, ayaa wuxuu kaga dhawaaqay in uu bilowday qorshaha ah in nalalka cad-ceeda […]

January 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha oo la sheegay in laga soo xuli doono Xildhibaanada

(BARMUUDO.COM):-Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Xilalka Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha in laga soo xuli doono Xildhibaanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa mucaaradka ku ah xukuumada sida kutlada Badbaado Qaran. Wararka aan helnay waxay tilmaamayaan in qorshahaan uu ka socdo dhanka Xukuumada ujeedkuna waa si loogu qanciyo xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku kacsan xukuumada. si […]

January 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Taliye Cali Gaab oo sheegay inay maanta xireen Ciidamo Amisom katirsan markii ay shil gaari ku galeen Muqdisho

(BARMUUDO.COM):-Taliyaha CiidamadaWadooyinka Cali Xirsi Barre (Cali gaab) ayaa maanta ka hadlay shil gaari oo maanta ka ay ku galeen ciidamada Amisom isgoyska Zope magaalada Muqdisho. Cali Gaab ayaa sheegay in Gawaarida Amisom ay galeen shil khasaare sababay markii ay isku dheceen iyaga iyo baabuurta shacabka reer Muqdisho qaarkood. “waan xirnay dhamaan ciidamadii watay baabuurta Amisom […]

January 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

baarlamaanka oo Maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka

(BARMUUDO.COM):-Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa shirkoodii maanta waxay cod buuxa ku ansixiyeeen hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka kaasoo ahaa mooshin maalmiihii ugu danbeeyay ay ka doodayeen xildhibaanada. 152 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ogolaaday ansixinta Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka sida uu cadeeyay Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar oo maanta shir gudooominayay […]

January 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Gudoomiye Jawaari oo sheegay in Dastuurka Dalka uusan aheyn KMG

(BARMUUDO.COM):-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomalaiya Maxamed Cusman Jawaari ayaa shaaca kaa qaaday in Dastuurka Dalka uusan aheyn kumeelgaar sida dadka qaar u fahmeen. Jawaari wuxuu xusay in dadka qaarkiis ay wax isaga qaldan yihiin tusaale ahaan ergooyinka ansixinta dastuiurka iyo waliba Dastuuurka laftiisa. “waxa KMG ahi ww ansixintii Ergooyinka ay Ansixiyeen Dastuurka laakiin maaha Dastuurka Dalka u […]

January 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Maxkamada Kenya oo sii deysay Muwaadin u dhashay Dalka Britain oo alshabaabnimo ku eedeysanaa

(BARMUUDO.COM):-Wararka laga helayo Magaalada Nayroobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay nin u dhashay dalka Ingiriiska kaasoo ku eedeysnaa inuu ka tirsan yahay Alshabaab madaama dagaalo xoogan ay u dhexeeeyaan Xoogaga Islaamiyiinta Alshabaab iyo Dowlada taagta daran ee Kenya. Maxkamad ku taal Kenya ayaa amartay in xabsiga laga sii daayo […]

January 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Madaxweyne Xasan oo gaaray Magaalada Adis-ababa

Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono kulan madaxeedka Midowga Afrika. Maadaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan ayaa shirka Midowga Afrika ka sokow la filayaa inuu kulamo […]

January 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented