| | 18 views

Beesha Galmaax oo Baaq u Jeedisay Guddoonka Baarlamaanka, Digniina u jeedisay madax ka tirsan Dowladda Federaalka

galmaax1

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Galmaax Yoonis ee ku abtirsata beel weynta Abgaal Cusmaan, kulankaasi oo looga hadlay arrimo ku saabsan Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug) oo ku geeriyooday qaraxii Hotelka Central ee Muqdisho ka dhacay.

Shirka beesha Galmaax ay maanta ku yeelatay Muqdisho, ayaa waxgaradkii ka hadlay waxay soo gudbiyeen cabashooyin ku saabsan in kursiga Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Cumar Furdug la doonayo in la siiyo nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Waayeel.

Nabadoon Cadde Abshir Gude oo ka tirsan odayaasha dhaqanka beesha Galmaax Yoonis isla markaana ka mid ahaa 135-Oday dhaqameed ee soo magacaabay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa mar ka hadlayay shirkaasi waxa uu sheegay in ninka lagu magacaabo Maxamed Cumar Waayeel aanu xaq u lahayn inuu buuxiyo kursiga Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Cumar Furdug.

“Kursigii Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Cumar Furdug waa in loo magacaabo walaalkiis oo lagu magacaabo Qaasim Cali Nuur” ayuu yiri Nabadoon Cadde Gude oo sheegay in dastuurka Baarlamaanka uu dhigayo Xildhibaanki geeriyooda inuu kursigiisa ku fariisan karo qofka ugu dhow.

Waxgaradka iyo odayaasha Galmaax Yoonis ayaa uga digay mas’uuliyiinta lagu magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi inay ka waantoobaan faragelinta ay ku hayaan beesha.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka beesha Galmaax Yoonis ayaa ugu baaqay Guddoonka sare ee Golaha Baarlamaanka inay kursiga uu ka geeriyooday Cumar Furdug ay u magacaabaan walaalkiis Qaasim Cali Nuur sida uu dhigayo dastuurka Golaha Baarlamaanka.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9689

Posted by on Feb 26 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented