| | 3 views

Gudoomiyihii Gobolka Bari oo ka bad baaday weerar

barmuudo.com

Wararka laga helayo Magaalada Bosaso ayaa sheegaya in xale la weeraray Guriga Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan.

Kooxo hubaysan oo aan weli la sheegin Cida ay ka tirsan yihiin ayaa weerar ku qadeen Guriga uu Magaalada Bosaso ka degganyahay Gudoomiyaha Gobalka Bari Galan.

Ilaalada Gudoomiyaha ayaa iska cabiyay weerarka uga yimid kooxaha Hubaysan waxana la sheegay in uu ku geeriyooday mid kamid ah Ilaalada Gudoomiyaha mid kalana ku dhawacmay isla markana ay goobta isaga baxsadeen kooxdi weerarka soo qaaday.

Wararka qaar aya tilmamaya in Gudoomiyaha uu wax yar ka hor weerarka uu ka baxay Guriga oo uu san joogin xiligii la soo weeraray Dhismihiisa.

Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa howl gallo baaritaano ah ka wada xaafadaha magaalada, inkastoo aan la soo sheegin cid ay u qabteen ilaa iyo hada.

Dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Boosaaso weeraro kala duwan, iyadoo weeraradan ay sheegatay inay ka dambeysay Al-Shabaab.

Tan iyo markii Maamulka Puntland uu sheegay inuu soo gaba gabeeyay wajiga koowaad ee howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Buuraha Galgala ayaa waxaa soo badanayay weerarada ka dhacayay gudaha magaalada Boosaaso
Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud(Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.com

cabdisamad-170x114

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9699

Posted by on Feb 27 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented