| | 3 views

Kulan loogu baroor diiqayay Allaha u naxariistee Maxamed Aadan Guuleed “Caano-geel” oo xalay lagu qabtay Muqdisho

barmuudo.com
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay ka qeybgalay kulan loogu baroor diiqayay gudoomiye ku xigeenkii gobolka “Caano geel” oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay hotelka Centeral ee Muqdisho.

C/qaadir Maxamuud Dhalxa oo ah agaasimaha xafiiska guydoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee “Caano geel” , wuxuuna ku tilmaamay in uu ahaa mas’uul sharaf iyo karaamo ku dhex lah bulshaweynta Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay in Jannadii Fardowsa Alle ka waraabiyo.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ka ah dalkeenna oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay ineysan Diinta Islaamka ogoleyn falalka ay kooxda shabaab ku baneysanayaan dhiigga dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Allaha u naxariistee Gudoomiye ku xigeenki dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel ayaa ka mid ahaa dadkii Jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Masjid ku yaala Hotelka Centeral ee magaalada Muqdisho
Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud(Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.comMaxamed-Caano-Geel-800x600-620x264

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9696

Posted by on Feb 27 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented