| | 3 views

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Xaalada Caafimaad ee Max’ed Cumar Carte

barmuudo.com
Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii ku dhaawacmay Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Centeral Hotel ee Magaalada Muqdisho, ayaa rajo wanaagsan laga muujinayaa xaaladiisa Caafimaad.

Mid kamid ah Mas’uuliyiinta la socta dhaawaca Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa kusoo waramaaya in Xaalada Maxamed Cumar Carte Qaalib, ay tahay mid rajo wanaagsan laga muujinaayo, waxa uuna Tilmaamay inay jiraan dhaawacyo kasoo gaaray firirka Qaraxa.

Waxa uu sheegay in qeybta kore ee jirkiisa ay ka buuxaan firiri, islamarkaana laga saarayo, waxa uuna intaa ku daray in lagu sameeyay qaliino fudfudud, bacdamaa ay jiraan firiro ku jira oogadiisa.

Sidoo kale, Mas’uulkaasi ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn ee dhaawaca Maxamed Cumar Carte Qaalib loogu qaaday Dalka Turkiga ay tahay in laga soo saaro biraha qaraxa ee jirkiisa galay, islamarkaana dawooyinka u harsan uu ku qaadan doono Magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Ma usan sheegin xiliga dib loogu soo celin doono Magaalada Muqdisho, balse waxa uu carabka ku dhuftay in ka hor soo bixitaankiisa ay Turkiga ku booqan doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud(Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.com

12271_cumar-cate--200x200

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9705

Posted by on Feb 27 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented