| | 6 views

Nin Saaka Toorey lagu dilay Degmada Xamarweyne

(BARMUUDO.COM):-Nin Toorey ku hubeysan ayaa saaka nin kale waxaa uu ku dilay xaafada viyo ejito Degmada Xamarweyne Magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay C/qaadir Laangaro ayaa waxaa la dhaawac ahaan looga qaaday goobta lagu dilay laakiin intaan isbitaaal la gaarsiin ayuu geeriyooday waxaana la geeyay saldhiga Degmada Xamarweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska ayaa tagay goobta kuwaasoo howlgalo kooban sameeyay inkastoo aaney ku guuleysan inay soo qabtaan gacan ku dhiiglaha.

Xoghayah Maamulka Degmada Xamarweyne Maxamed Xirsi ayaa saxaafada u sheegay inay baarayaan sida ay wax u dheceen iyo halka uu ku danbeeyo gacan ku dhiiglihii dilka fuliyay kadibnaa ay sharciga hor keeni doonaan.

“dilka wuxuu dhacay saaka abaare halkii saac iyo labada saac dhexdooda waxaana lagu soo baraarugay ninkaan meesha yaal markaasuu uu baxsaday kiii tooreyda ku dilay”ayuu yiri Maxamed Xirsi

Wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in kan la dilay iyo kan wax dilayba ay ahayaaee dadka daroogada isticmaala inkastoo aan cadeyn dhab loo heyn.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9717

Posted by on Feb 28 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented