| | 6 views

Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore ee Dalka Ruushka oo lagu toogtay Moscow+SAWIRRO

(BARMUUDO.COM):-Wararkka ka imaanaya magaalada Moscow ee caasimada Ruushka ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay Ra’iisal wasaare ku xigeen hore ee Dalka Ruushka Boris Nemtsov.

Kooxo hubeysan oo dilkaasi fuliyay ayaa markiiba baxsaday iyadoo aaney jirin wax ciidamo ah oo markiiba raad raac ku sameeyay kooxahaasi.

Siyaasiga Boris Nemtsov waxaa la sheegay inuu si wen u mucaaradsanaa Dowlada Ruushka isagooo inta la xasuusta aad uga soo horjeeday dagaalada ka socda Ukreyn oo ruushku ku lug leeyahay.

Boris Nemtsov intii uu noolaa wuxuu sheegi jirey inuu ka cabsi qabo inuu dilo madaxweynaha ruushka Vladimir Putin.

Dhanka kale Madaxweynaha Ruushka laftiisa Vladimir Putin iyo Kan Mareykanka Barak Obama ayaa cambaareeyay dilka loo geystay mas’uulkaani hore xilka uga soo qabtay dalka ruushka gaar ahaan sanadkii 1990-kii markaasoo uu madaxweyne ka ahaa ruushka Boris Yeltsin.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud(Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.com

boliska ra rai rais

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9724

Posted by on Feb 28 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented