| | 29 views

Shariif Xasan iyo Cali Geedi oo ku guuleystay in Maxamed Cumar Waayeel lagu badalo Cumar Furdug

(BARMUUDO.COM):-Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta kala ah Cali Maxamed Geedi iyo Shariif Xasan Madaxweynaha Maamulka K/galbeed ay ku guuuleysteen ololihii ay ugu jireen in Waayeel lagu badalo Xildhibaankii dhawaan qaraxa ku geeriyooday ee Cumar Furdug.
Doraad ayay ahayd markii Odayaal ka soo jeeda Beesha Galmaax uu ka soo jeedo xildhibaanka dhintay ay ka digeen in booskaas loo dhiibo cid aan aheyn ehalka ugu dhow marxuumkii dhintay.

Lama yaqaan waxa ay keeni karto hadii ay dhacdo in xilkaasi loo dhaariyo Maxamed Cumar Waayeel oo ah siyaasi asal ahaan ay isku heyb yihiin Xildhibaanka dhintay.

Si kastaba waxaa la hadal hayaa in marka uu dib u furmo kalfadhiga baarlamaanka in Maxamed Cumar Waayeel loo dhaarin doono xildhibaanimada.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Taratabatoni)
infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9715

Posted by on Feb 28 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented