| | 1 views

Shirkadaha Soomaaalida ee Xawilaadaha Mareykanka oo dib loo furayo 

(BARMUUUDO.COM):-Dhamaan shirkadaha Soomaalida ee Xawilaadaha lacagaha ayaa la shacaiyay inay beri oo axad ah dib u furmi doonaan kadib markii dhawaan albaabada loo laabay.

Cabasho xoog leh ayaa ka timid madaama kumanaan qoys oo Soomaali ah ay biiilka ka heleen ehaladooda ku dhaqan dalka Mareykanka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in talaabada dib loogu furayo shirkadaha xawlaadaha ay tahay markii ay arintaas galeen Gudi u dooda Xaquuqada Xawaaladaha Soomaalida kuwaasoo ku guuleystay inay Bangiyada Mareykanka aqbalaan inay dib ula macaamilaan shirkadaha soomaalida.

“beri ayaa la furayaaa shaqadii shirkadaha xawilaadaha ,dowlada waxaan leenahay ha ku soo baxdo arintaan si aaney dib danbe ugu soo laaban”ayuu yiri Cabdi Casiis Sugule oo kamid ah Gudi u dooda Xaquuqada Xawaaladaha Soomaalida

Si kastaba xiritaanka shirkadaha Xawilaadaha waxay wal wal gelisay Soomaali badan oo lacago looga soo diro magaalooyinka kala duwan ee dalka Mareyykanka.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=9719

Posted by on Feb 28 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented