| | 3 views

Hordhac: Swansea v Liverpool – Reds Oo Dooneysa Inay Ilaashato Rikoorkeeda Guuldarro La’aanta Premier League Ee Sannadkan 2015.

Kulanka: Swansea v Liverpool

Garoonka: Liberty Stadium

Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

Tan iyo markii ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay Manchester United bartamihii December, kaliya dadka ugu niyadsamida badan jamaahiirta Liverpool ayaa saadaalin karay inay United kula tartamayaan booska Champions League iyadoo horyaalka uu 10 kulan wax ka yar ka harsan yahay.

Tan iyo guuldaradaas Old Trafford ku soo gaartay, kooxda Brendan Rodgers waxa ay badisay sagaal kulan waxaana ay barbaro galeen seddex kulan kale oo Premier League, iyadoo aan dhinaca dhulka loo dhigin tan iyo markii uu dhashay sannadkan 2015, waxaana ay tartan adag ugu jiraan inay u soo baxaan Champions League, iyadoo caawa Wales ku wajahaya kooxda Swansea.

Weeraryahanka Swansea Bafetimbi Gomis ayaa loo sheegay inuu ciyaari karo ka dib markii uu ku dhex suuxay kulankii ay Tottenham la ciyaareen kulankiisii ugu danbeysay ee horyaalka. Kyle Bartley ayaa dhaawac ka qaba jilibka waana ciyaaryahanka kaliya ee la xaqiijiyay ee ka maqnaanaya kooxda reer Wales.

Kabtanka Liverpool Steven Gerrard ayaa taam ah ka dib todoba kulan uu dhaawac muruqa ah ku maqnaa, halka Martin Skrtel iyo Mamadou Sakho ay sidoo kale diyaar yihiin. Joe Allen ayaa shaki uu ku jiraa inuu ka horimaan doono kooxdiisa hore sababtoo ah dhaawac uu ka qabo sinta. Luis Enrique iyo Lucas ay weli dhaawacyo ku maqan.

labada dhinac SHAXDA MACQUULKA AH:

Swansea (4-2-3-1): Fabianski; Taylor, Fernandez, Williams, Naughton; Ki, Shelvey; Routledge, Sigurdsson, Cork; Emnes.

Liverpool (3-4-3): Mignolet; Skrtel, Lovren, Can; Moreno, Allen, Henderson, Sterling; Lallana, Coutinho, Sturridge.

Xaqiiqoyinka labada dhinac

  • Swansea ayaa Liverpool garaacday kaliya hal jeer todobadii kulan ee ay la ciyaareen tan iyo markii Swansea ay u soo dalacday Premier League sannadii 2011.
  • Brendan Rodgers ayaa ahaa macalinkii Swansea kulankaas kaliya ee Premier League ee ay ka badiyeen Liverpool markaasoo ay 1-0 kaga badiyeen ciyaar ka dhacday Liberty Stadium bishii May 2012.
  • Afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee dhexmartay labadaan kooxood waxaa ka soo baxay 21 gool.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=10366

Posted by on Mar 16 2015. Filed under Cartoons. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented