| | 6 views

Puntland oo beenisay inay raali gelin u direen Siilaanyo

(BARMUUDO.COM):-Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay war ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo kaasoo sheegay shalay inuu warqad raali gelin ah ka helay Madaxweynaha Puntland C/weli gaas.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa warbaahinta u sheegay inaaney waxba ka jirin warka ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland islamarkaana aanu jirin wax xiriir ah oo dhexmaray labada Madax      weyne.

“”ma jirto wax teleefoon ah oo Madaxweyne gaas uu u direy Siilaanyo waana war uu iska been abuurtay”ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

wasiir puntland

Mas’uuulkaan wuxuu dhanka kale ka dhawaajiyay in Puntland diyara u tahay nabad ku wada noolansho dadka walaalaha ah ee deriska ah sida uu sheegay.

Warka Puntland ka soo baxay ayaa imaanaya xili shalay Madaxweynaha maamulka Somaliland uu ka hor sheegay labada Gole ee maamulkiisa khudad uu jeedinayay inuu C/weli Gaas ka helay warqad raali gelin ah taasoo ku saabsan warar meel ka dhac ah sida uu sheegay oo dhanka Puntland hore uga soo baxay.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=10654

Posted by on Mar 29 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented