| | 7 views

Xooggaga Al-shabaab oo digniin u direy Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho

(BARMUUDO.COM):-Wakiilka Alshabaab ee Magaalada Muqdisho Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa dhanbaal digniin ah hawada u mariyay dhamaan Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaan wuxuu uga digay milkiilayaasha Hoteelada inay soo dhaweystaan oo Hoteeladooda ka kireyaan mas’uuuliyiin ka tirsan Dowlada ama ajaanibta la shaqeysa Dowlada.

“Milkiilayaasha Hoteelada waxaan leenahay iska ilaaliya inaad Hoteeladiina ka kireysaan dadka Dowlada ku jira iyo kuwa la shaqeeya ee ajaanibta ah”ayuu yiri Sheekh Cali Jabal

jabal

Mas’uulkaan wuxuu ugu hanjabay hoteelkii ka madax adeega amaradooda inay fishaan weeraro dhiig badan ku daata sida uu sheegay.

Weerarka doraad lagu qaaday Hotel Maka al-mukaraha waxaa ka horeeyay mid dhawaan lagu qaaday Hoteelka Central ee degmada Xamarweyne halkaasoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin Dowlada ka tirsan.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)
Infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=10658

Posted by on Mar 29 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented