| | 10 views

Maxamed Bashiir Xaashi oo Maanta Maxkamad la soo taagay mar kale

(BARMUUDO.COM):-Iyadoo dhawaan damiin lagu sii daayay Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan raadiyaha Shabeelle ayaa maanta la soo taagay Maxkamada Gobolka Banaadir halkaasoo laga soo jeediyay dhamaan eedeymaha loo heysto.

Wariyaha iyo 9 ruux kale oo danbiyo kala duwan loo heysto ayay maanta maxkamadu dhageystay iyadoo buuq badana uu ka dhashay dacwada loo heystay wariyaha.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Xasan Nuur ayaa Maxkamada ka hor sheegay in danbiyada loo heysto wariye Maxamed Bashiri ay ku jirto inuu Alshabaab ka tirsan yahay iyo inuu ka qeybqaatay falal dilal ah oo Muqdisho laga fuliyay.

“dhamaan eedeymaha aan soo jeedinay waxaan u heynaa cadeymo buuxa laakiin waxaan ka xumahay inaan iminka heyn marqaatiyaal, dacwada waxan u deynayaa maxkamada”ayuu yiri xeer ilaaliye ku xigeenka.

Abuukaatihii u doodayay Wariyaha ayaa ka dalbaday dacwad soo oogaha inuu marqaatiyaal keeno maxkamada horteeda ama uu la laabto dacwadiisa sida sharcigu qabo.

Dhanka kale waxaa buuq ka kiciyay maxkamada Wariye Maxamed Bashiir markii uu dhankiiisa ku eedeeyay xeer ilaaliye ku xigeenka inuu u hanjabay taasoo buuq badan dhalisay sida aan ka soo xiganay idaacada Kulmiye.

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud(Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=10701

Posted by on Mar 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented