| | 1 views

Tababar Gedo loogu soo xirey ciidamo Dowlada ka tirsan

(BARMUUDO.COM):-Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey waxaa lagu soo afjaray tababar ciidan oo loo sameeyay boqolaal askari oo Dowlada ka tirsan.

C/laahi Ismaaciil Isxaaq oo ka mid ah Saraakiisha Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay waxaana uu sheegay in tababarku socday labo bilood islamarkaana la soo saaray ciidamo badan mudadaasi.

“800 askari ayaa tababarka loo soo xirey waxaana ay ka howgeli doonaan degmooyinka Gobolka Gedo ,iyagoo diyaar u ah inay la dagaalaan Alshabaab”ayuu yirii C/laahi Ismaaciil Isxaaq oo ka mid ah Saraakiisha Dowlada

Maaha markii ugu horeysay oo ciidamo dowlada ka tirsan tababaro loogu soo xiro gobolada dalka qaarkood,waxaanaa soo kordhiyay sanadihii ugu danbeeyay ifafaalo muuujinaya in laga maarmay tababarkii ciidamada loogu qaadi jirey dalka dibadiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho
C/weli Xasan Maxamuud (Tarabatoni)
infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=10704

Posted by on Mar 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented