| | 24 views

Soomaalida K/Afrika Oo Isha Ku Haysa Bandhig-faneedka Fanaanadda FARTUUN CUMAR (Goormee & Goobtee ?)

Mid ka mid ah Fanaaniinta Gabdhaha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan uguna codka macaan, ayaa la filayaa in bandhig-faneed ka duwanaan doona kuwii hore loo arki jiray ku qabato dalka Koonfur Afrika.

10425405_10205008721390428_8548247060953197977_n-1-300x300

Fanaanadda codka halaasiga leh ee Fartuun Cumar, oo socdaal rasmi ah iminka ku joogta Magaalada ganacsiga ku caanka ah ee Johannesburg, ayaa iyadoo ay qiiro dad-jaceyl iyo wadaniyadeed ay ka muuqato si aan caadi aheyn loogusoo dhaweeyey halkaasi, iyadoona ballan-qaaday inay Show Caalami ah Soomaalida Koonfur Afrika ku ilowsiin doonto dhibaatooyinka aalaaba ay kala kulmaan dalkani K/Afrika.

Fartuun Cumar, oo ka mid ah fanaaniinta North America, ayaa hore ugu luuqaysay Hees miisaan culus xambaarsan oo ay ku cabirayso gumaadka bareerka ah ee lagu dhiig-daadinayo Muwaadiniinteena Soomaaliyeed ee ku sugan South Africa, waxaana xusid mudan in safarka Fartuun ee South Africa uusan aheyn mid dhaqaale-doon ah ee ay u timid qiimeyn ay ku samaynayso saameynta ay yeelatay heesteeda K/Afrika ee dulucdeedu aheyd *Sokeeyaa Silcaayoo, Dhiigiisu Seyrmee, Hurdo miyaaba ii sugan, South Afrikaay maqal, Taariikhdu waa Sulan, taad nagu samayseen sina kula Hilmaamine, Ogow Soomaali baan nahay, Siman wada dhashaan nahay*.

Waxaa mudnaanta ugu weyn ay tahay in Fanaanaddu ay marti u tahay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika (SOJASA) oo iyagu casuumaadda rasmiga ah u fidiyey Fanaanadda, islamarkaana kaalin libaax leh ka qaatay soo dhaweynteeda, waxaana sidoo kale kaalin-faneed lama ilaabaan ah ka qaadanaya Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Gurmad Group oo iyagu ka dhisan dalkani K/Afrika.

Bandhig-faneedka Fartuun Cumar Inta ay Fanaanaddu joogto K/Afrika, waxa ay Bandhig-faneed culus ku qaban doontaa Magaalooyinka ugu waaweyn ee ay Soomaalida ku badan tahay. Johannedburg, waxa uu bandhiggu ka dhici doonaa

Magaalada Johannesburg Waxay Ku Qaban doontaa Showga 03/04/2015 Sidoo kale Magaalada Cape Town Ayeey Ku Qaban Doonbtaa 10/04/2015

Short URL: http://barmuudo.com/?p=10778

Posted by on Apr 1 2015. Filed under Arimaha Bulshada, Photo News, VIDEO, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented