| | 1 views

barmuudo.comBooliska Talyaaniga oo xabsi u taxaabay naaquudiyihii doon ku degtay badda Mediterraneanka (Sawiro)

Booliska dalka Talyaaniga ayaa xabsiga u taxaabay naaquudiyihii doon ku degtay badda Mediterraneanka ayna ku dhinteen boqolaal ruux iyadoo loo haysto inuu mas’uul ka yahay dhimashada boqolaal ruux.

Maxamed Cali Malek oo ah 27 jir u dhashay dalka Tunisia ayaa la qabtay kadib markii uu soo gaaray jasiirada Sicily xalay 24 saac kadib markii ay doon uu naaquudiye ka ahaa ay dagtay.

Doontan uu naaquudiyaha ka ahaa Malek ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen boqolaal ruux kuwaasoo doonayay in ay galaan qaarada Yurub iyadoo aan la shaacin wadamada ay ka soo jeedeen dadkaas tahriibayaasha ah.

Dacwad oogayaasha ayaa waxa ay ku soo eedeeyeen Malek in uu sabab u ahaa dhimashada boqolaal ruux kadib markii doontii uu kabtanka ka ahaa uu si ulakac ah ugu dhuftay markab ganacsi oo doonayay in uu badbaadiyo dadka saaran doonta.

Sidoo kale waxaa dambi loo haystaa kaaliyihii Malek oo ah 26jir ka soo jeeda dalka Siiriya laguna magacaabo Mahmud Bikhit, waxana loo haystaa Mahmud dambi ah caawinta tahriibayaal sharci darro ah.

Tirada dadka tahriibayaasha ah ee ku dhimanaya badda Mediterraneanka ayaa laga yaabaa in ay gaarto soddon kun oo ruux sanadkan haddii sida xaaladu haatan tahay ay ku sii socoto.1 2 3 4 ???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Short URL: http://barmuudo.com/?p=11537

Posted by on Apr 21 2015. Filed under Wararka, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented