| | 6 views

barmuudo.comKoonfur Afrika oo Millitari adeegsanaysa

Millitariga Koonfur Afrika ayaa la hawlgalinayaa si loo soo Afjaro, dagaaladda baahsan ee ka dhanka ah ajaaniibta, sidaasi waxaa sheegtay wasiirka difaaca Nosiviwe Mapisa-Nqakula.

Waxa ay sheegtay in ciidammadaasi la dhigi doono magaalada Johannesburg, iyo meelaha ay rabshadaha ugu badan ka dhacaan ee gobolka KwaZulu-Nata.

Waxa ay noqondoontaa ciidammadii ugu horeeyay ee la hawlgaliyo tan iyo markii ay bilawdeen rabshadahaasi oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan todobo qof.

Koonfur Afrika waxa ay weeraradaasi kala kulantay dhaleecayn iyo jawaabo ay u soo direen wadammada Afrikaanka ah ee kale.

Mapisa-Nqakula waxa ay weriyeyaasha u sheegtay in dad badani ay soo dhawayndoonaan go’aankaasi ciidammada lagu gaynayo.

Wasiiraddu waxa ay sheegtay in militarigu uusan la wareegaynin masuuliyaddi booliiska balse ay gacan ka gaysandoonaan xasilinta dalka.

Wasaaradda difaacu waxa ay sheegtay in ciidammadaasi la hawlgalindoono 6 makhribnimo ee maanta oo u dhiganta 5 galabnimo ee Bariga Afrika

Short URL: http://barmuudo.com/?p=11545

Posted by on Apr 21 2015. Filed under Wararka, Wararka Caalamka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented