| | 2 views

barmuudo.comCali Dheere “Qaramada Midoobey inta ay Soomaaliya joogaan kuma nabad galayaan”

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay weerarkii Isniintii lagu qaaday gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey oo ku sugnaa Garowe ayaa sheegay in Qaramada Midoobey aysan meelna ku bad baadin doonin.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay hormuud ka tahay duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya, isla markaana aysan marna shaqaalahooda bad baadi doonin sida uu yiri.

“kuwa sheegta Qaramada Midoobey inta ay joogaan Soomaaliya kuma nabad galayaan, waxay dhadhamin doonaan rasaasteena”ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale waxaa uu ka digay shaqaalaha Qaramada Midoobey inay ku sugnaadaan Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin dhibaateynta shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxii 20-kii bishan ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan sagaal ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen shaqaalaha Hey’adda UNICEF, markii gaari kuwa shaqaalaha UN-ka uu qarax ka dhex dhacay, kaasoo aan wali si dhab ah loo ogeyn, inkastoo wararka ugu dhow ay yihiin in nin gaariga saarnaa uu isku qarxiyay.

Al-Shabaab ayaa horay deegaanadooda ka mamnuucay Hey’addaha Qaramada Midoobey, waxaana horay ay qalab iyo gaadiid uga qaateen Xarumihii Hey’addaha UN-ka ku lahaayeen Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyagoo ku eedeynaya inay taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.cali-dhere-280x175

Short URL: http://barmuudo.com/?p=11557

Posted by on Apr 22 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented