| | 2 views

barmuudo.comQaramada Midoobay oo xaqiijisay 800 Tahriibayaal ah oo geeriyooday

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Laanteeda Qaxootiga ayaa lagu shaaciyay in illaa 800 oo ruux oo ay ka mid yihiin Soomaali in ay dhinteen kadib dooni indhawaanahaan baadi goob loogu jiray oo degtay.

Doonidaan oo degtay Axaddii aan ka soo gudubnay ayaa kaliya dadkii la socday la soo badbaadiyay illaa 28 qof iyadoo Boqolaal kale ay geeriyoodeen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayay qul qulka Tahriibayaasha ku soo shubmaya Biyaha u dhexeeya wadamada Libya iyo Itally.

Tani ayaa noqoneysa dharbaaxo kulul oo ay la kulmeen dadka u hanqal taagayay in ay galaan wadamada Yurub si Nolol tii wadamadooda ay ku soo qoomeen ka duwan ay u helaan.

Tahriibayaasha ayaa sii kordhay kadib markii todobaadyadii aan ka soo gudubnay ay badbaadeen Kumanaan safarkaas halista ah gashay.553744195604c-150x150

Short URL: http://barmuudo.com/?p=11554

Posted by on Apr 22 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented