| | 5 views

Ahlusunna Oo Fasaxday Idaacad Ku Taala Magaalada Gurceel

Maamulka Ahlusunna ee Degmada Guriceel ayaa dib ugu fasaxay  Idaacada Radio Galgaduud oo ay Horay u Xireen.

Arintani ayaa ka danbeysay kadib wadahaadal muddo 13 maalin oo Idaacadu xirneed ay lahaayeen Maamulka Ahlu-sunna iyo Masuuliyiinta Radio Galgaduud si xal looga gaaro arinta xiritaanka Idaacada.

Masuuliyiinta Ahlu-sunna iyo Maamulka Radio Galgaduud ayaa sheegay in tanaasul labada dhinac ay sameyeen ay ugu danbeyn Heshiis ka gaareen qodobada laisku hayay.

Agaasimaha Radio Galgaduud C/fataax Xasan Faarax aya sheegay in arinta xal laga gaaray kadib markii Maamulka Ahlu-sunna ay katanaasuleen Qodobo badan oo ay ku amreen in Idaacada fuliso marka laga reebo halqodob oo ah joointa Radio Muqdisho.

C/fataax ayaa intaa kusii daray in Maamulka Idaacada ay aqbaleen joojinta Radio Muqdisho in laga sii dhexdaayo Radio Galgaduud, waxa kale uu xusay in loo ogolaaday in ay deyn karaan Wararka la xiriira Dowladda iyo Maamul usameynta G/dhexe ayna qodobadaas ka tanaasulen Ahlusuuna oo awal rabtay in lafuliyo lkn uu ka diiday Maamulka Radio Galgaduud.

Kusimaha Gudoomiyaha fulinta Ahlu-unna Shiikh Maxamed Shakir ayaa isna shegay in ay xal gaareen Ahlusunna iyo Radio Galgaduud isla markaana loo ogolaaday Radio Galgaduud qodobo badan oo ay ka cabatay in aysan fulin karin, Waxa uu intaa kusii daray in uu ku farasanyahay in Radio Galgaduud hawada kusoo noqoto madaama uu kamid yahay Dad aadka ugu xiran ee dhageysta Idaacada.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=12285

Posted by on May 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented