| | 0 views

Arsene Wenger Oo Guushii FA Cup Kadib Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal, Muxuu Yiri?

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa sifarxad badan uga hadlay guushii kooxdiisu ay gaartay markii ay hanatay koobka  FA Cup ka  ciyaar xiiso badaneyd oo xalay ay kula ciyaareen kooxda Astonvilla garoonka webley iyagoo ku adkaaday 4-0.

Arsene Wenger ayaa  guushiisii ka dib sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kooxda u horseeday hanashada tartankaan, waxaana uu sheegay inuu sii joogi doono arsenal oo uu macalin u sii ahaandoono waqti kale.

“Waxaa soo sameeyey isbuuc adag oo aan ka fakaray sidii aan ciyaartooyda ku xuli lahaa, laakiin hadii xamaasad iyo dhiiranaan ay kuu cawinayaan weyn waa wanaag ayuu u sheegay jaraa’idka macalinka dalka france kasoo jeeda.

“Waxaa ii haray qandaraaska aan kooxda kula jiro muddo labo sano ah ,baahideydana aad ayey u fara badan tahay oo waxa aan doonayaa inaan koobab kale kusii guuleysto” ayuu markale macalin Arsene Wenger yiri ciyaarta kadib.

Naadiga arsenal ayaa ah kooxda ugu guulaha koobka FA Cup , waxaana ay kooxda dhigtay record ay heesatay muddo ka badan 10 sano Man United.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=12261

Posted by on May 31 2015. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented