| | 0 views

Bayern Munich Oo War Ka Soo Saari Doonta Damaceeda Raheem Sterling Isbuucaan

Bayern ayaa sameyn doonta damaceedii ugu dambeeyey koox ahaan iyadoo suuqa dalka ingiriiska ka daawaneesa da’yarka kooxda Liverpool Sterling ,  waxaana qorshaha kooxda munich qeyb ka ah in Liverpool lagu wareejiyo Franck Ribéry ( 32 ) iyo  Arjen Robben ( 31 ) mid kood si  20 jirka ingiriiska loo helo.

Wakiilo ka socda labada naadi ayaa isu imaan doona isbuucaan si ay u dhameeyaan xaalka wiilka oo iska diiday inuu sii joogo magaalada Liverpool ,  laakiin waxaa si kale jaraa’idka ciyaaraha dalkaasi ingiriiska warinayaan in macalinka cusub ee ay yeelaneeso Real Rafael Benitez inuu ku cadaadin doono kooxda inay keenaan sterling kaasoo macalinkii hore Liverpool uu la dhacsan yahay.

Qorshaha Bayer Munich waxaa hogaaminaya ee suuqa xagaagan sido kale wiilasha kala ah Ángel Di María ( 27 )  Manchester United u ciyaara, iyo Antoine Griezmann ( 24 ) oo kooxda  Atlético Madrid ka tirsan .oo ay dhamaantood xiiseeneeso.

Madaxa ciyaaraha kooxda Matthias Sammer  ayaa u sheegay ” Sky ”  qorshaha kooxda ee suuqa xagaagan . ” waxaa jira hami badan oo naadiga ah  ” ma jirto sabab ” . waxaan caawin doonaan taageerayaasheena ayuu kusoo koobay wareesigiisa.

Bayer Munich ayaa sanadaan ku guuleesatay horyaalka Bundesliga.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=12258

Posted by on May 31 2015. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented