| | 3 views

Falnqeynta Kulan Ka Galabta Ee Somali Fruit VS Horseed

Kulan kala bax ah ayaa lagu wadaa galabta in garoonka Banaadir ama Koonis ay isku arkaan kooxaha Horseed iyo Somali Fruit.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya 2014-2015

Taariikhda: 31-05-2015

Maalinta: Axad

Kooxaha: Somali Fruit vs Horseed

Saacadda: 3:45 PM

Garoonka: Banaadir Stadium

Xaqiiqooyinka kulanka:-

>- Labadani kooxood ayaa ka cararaya  in ay dib ugu laabtaan heerka labaad ee dalkeenna Soomaaliya, maadaama uu gabo gabo maraya horyaalka.

>- Kooxda Savaana ayaa xaqiijisay in ay dib ugu laabatay heerka labaad ee dalkeenna Soomaaliya, iyadoo kooxdani ay keensatay shan dhibcood  16- kulan ay ciyaartay waxaana la sugayaa kooxdii raaci lahayd naadiga Savaana oo goosatay tikidka lagu aadayo heerka labaad.

>- Horseed ayaa ku jirta kaallinta sagaalaad 16-kulan ay ciyaarta waxa ay la timid 14-dhibcood, halka Somali Fruit ay fadhiso booska sagaalaad ee kala sarreynta horyaalka, iyadoo leh 16-dhibcood.

>- Kulanka ay wada ciyaarayaan kaddib kooxda Horseed ayaa la ciyaari doonto Jeenyo, halka Somali Fruit ay wajaheyso Elman.

>- Haddii laga badiyo galabta kooxda Horseed waxa ay xaqiijineysaa in ay dib ugu laabatay heerka labaad ee dalkeenna Soomaaliya maaadaama ay leedahay 14-dhibcood, halka Somali Fruit ay wadato 16-dhibcood.

>- Ciyaartii koowaad ee wada yeesheen labadani kooxood wajigii hore ee horyaalka ayaa kusoo idlaatay  2-0 ay guusha ku qaadatay Somali Fruit.

>- Horseed guul ay gaarto waxaa ugu dambeysay 17/05/2015 xilligaas oo 3-1 kaga adkaatay naadiga Savaana.

>- Kooxda Somali Fruit  ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay xagaagan ee guuldarro kala kulantay naadiga Savaana, iyadoo looga adkaaday 2-1, waana guushii ugu horreysay Savaana ay ka keento Nationlink Championship tan iyo 01/04/2014 xilligaas oo 2-1 kaga adkaatay kooxda Dekedda xagaagii hore.

>- Si kastaba xiisaha goonida ay leedahay ciyaartan ayaa ah in  labada kooxood ay doonayaan in ay guul gaaraan si ay koox uun uga bad-baado heerka labaad in kastoo rajada Somali Fruit ay tahay mid wanaagsan markii loo fiiriyo dhanka dhibacaha.

W/D: Mahad Shariif Jilacow

Short URL: http://barmuudo.com/?p=12279

Posted by on May 31 2015. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented